Diego Maradona oo shaaca ka qaaday tallo qaali ah uu siiyay Lionel Messi sannadkii 2010-kii

(Argantina) 09 Sebt 2019. Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa daabacay hadalo ka yimid halyeeyga reer Argentina ee Diego Maradona, kaddib markii uu ka hadlay xiddiga ay isku wadanka ka soo wada jeedaan eeLionel Messi.

Diego Maradona oo dib ugu soo laabtay shaqada tababarka kooxda Gimnasia y Esgrima La Plata ee dalka Argantina ayaa wuxuu talo qaali ah siiyay Lionel Messi sanadkii 2010-kii.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England oo xiganaya dhigiisa “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu yiri:

“Sannadkii 2010, waxaan tababarey ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, waana Messi, qofna si kale uma dhihi karo, wuxuu awood u lahaa inuu ugu gambiyo 5 ciyaaryahan hal toogasho”.

“Messi wuxuu xilligaas dhibaato ku qabay laadadka xorta ah, wuu ii yimid wuxuuna i weydiiyay sida loo toogto”.

“Tababar kasta kaddib waxaan caado ka dhiganay, inaan si gooni ah tababar ugu sameyno”.

“Wuxuu iigu yimid inuu wax iga weydiiyo arrintan waxaana u sheegay inuu ka toogto dhex bartenka”.

“Waxaan usheegay inuusan ka wal-walin isla markaana uu markale ku celiyo, haddase ma qaldayo wuxuuna ku cadaabayaa goolhaayayaasha”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close