Kooxda Manchester City oo war xun ka heshay Isbuuca FIFA

(Manchester) 08 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa war xun ka heshay Isbuuca FIFA ee kulamada caalamiga.

Laacibka kooxda Manchester City ee İlkay Gündoğan ayaa soo gaaray dhaawac kedis inta laagu gudi jiray diyaargarowga xulka qaranka Germany kulanka soo aadan ay kula ciyaari doonaan Northern Ireland ee is reeb reebka Euro 2020.

Boggo rasmiga ah xulka qaranka Germany ee “Twitter-ka” ayaa lagu shaaciyay maanta oo Axad ah in İlkay Gündoğan uu ka dhaqaaqay Hoteelka uu dagan yahay xulka, kahor kulanka Northern Ireland, si uu u helo baxnaano caafimaad.

İlkay Gündoğan ayaa seegi doona kulanka Northern Ireland ee is reeb reebka Euro 2020, maadaama ciyaaryahanka khadka dhexe uu ka cabanayay dhibaatooyin caloosha ah Sabtidii, wuxuuna ku laabanayaa England.

Kaddib guuldaradii ka soo gaartay Netherlands jimcihii, xulka qaranka Germany ayaa waxay isku diyaarinayaan kulanka ay la ciyaari doonaan Northern Ireland ay awoodooda oo dhan isugu geeyaan sida ay gacanta ugu dhigi lahaayeen saddexda dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close