Kabtankii hore kooxda Man United oo su’aal geliyay awooda ciyaareed ee Harry Maguire

(Manchester) 08 Sebt 2019. Harry Maguire oo 26 jir ah ayaa noqday daafaca ugu qaalisan adduunka, kaddib markii uu qiimo dhan 80-ka milyan ee gini kaga soo dhaqaaqay Leicester City.

Haddaba Kabtankii hore kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa su’aal geliyay awooda ciyaareed ee laacibka dhawaangalka ah Red Divals ee Harry Maguire.

Roy Keane ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Roy Keane has raised two concerns with Harry Maguire at Manchester United

“Waxaan u maleynayaa inuu qabtay shaqo fiican, waxaana la dhacsanahay tayadiisa marka uu kubadda haysto, laakiin dhanka daafaca waxaan wali hal ama labo calaamad su’aal ayaan ka qabaa isaga”.

“Waxaan had iyo jeer ka walaacsanahay tayadiisa heerka xawaaraha, waxaan wali xasuustaa goolka koowaad ay Crystal Palace ka dhalisay United-ka, mana uusan sameynin shaqadii loo baahnaa inuu sameeyo daafac walba si uu u daboolo saaxiibkiis kale”.

“Dhageyso, hadda waa 26 sano jir, qof kasta waa inuu ka walwalaa haddii ay dareemaan waxyaabahaas oo kale” ayuu hadalkiisa ku soo xiray kabtankii hore United-ka ee Roy Keane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close