Ronaldo oo go’aamiyay magacyada AFARTA ciyaaryahan ee mustaqbalka ku tartami doonta abaal-marinta Ballon d’Or

(Yurub) 07 Sebt 2019. Weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay aragtidiisa ku aadan xiddigaha ku tartami doono abaal-marinta Ballon d’Or mustaqbalka.

Qof walba ayaa is weydiineysa cidda badali doonta xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi mustaqbalka, kaddib marka ay soo gaba gabeeyaan xirfadooda kubadda cagta.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ku soo kala guuleystay Ballon d’Or min 5 jeer, mudadda 10-kii sano ee lasoo dhaafay, kahor inta uusan rikoorkan ka jirbinin Luka Modrić oo loo caleemo saaray abaal-marintan sanadkii lasoo dhaafay ee 2018.

Haddaba xiddigii hore kooxda Juventus ee Medhi Benatia ayaa sheegay in waaqtigii uu ku sugnaa Bianconeri uu Cristiano Ronaldo u sheegay magacyada 4 ciyaaryahan ee ku tartami doonta abaal-marinta Ballon d’Or mustaqbalka wuxuuna yiri:

Image result for Mbappé, Neymar, Hazard and Ousmane Dembélé

“Markii aan joogay Juventus, Cristiano Ronaldo ayaa ii sheegay in xiddigaha Mbappé, Neymar, Hazard iyo Ousmane Dembélé ay noqon doonaan ciyaartoyda ku dagaalami doonta abaal-marinta Ballon d’Or, kaddib isaga iyo Lionel Messi”.

Yeelkadeeda, daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa hadda ugu cad-cad in uu sannadkan kaga guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or xiddigaha Ronaldo iyo Messi, kaddib markii dhawaantan loo caleemo saaray abaal-marinta laacibka sannadka ee Yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close