Rashford oo si cad u sheegay sida ay kag go’an tahay inuu Harry Kane kaga sarra maro xulka qaranka England

(England) 07 Sebt 2019. Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa doonaya inuu ka sarra maro rikoorka gooldhalineed Harry Kane ee xulka qaranka England.

Dhinaca kale Marcus Rashford ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu ku hogaamiyo xulkiisa saddexda liibaax inay u soo baxaan tartanka Euro 2020.

Xulka qaranka England ayaa maanta oo Sabti ah isku diyaarinaya kulanka ay wajihi doonaan Bulgaria ee ka tirsan isreebreebka tartanka Euro 2020, kaasoo ka dhici doono garoonka Wembley.

Xulka qaranka England ayaa laga war qabaa inuu heysto weeraryahano bahal ah oo ay ka mid yihiin Marcus Rashford, Harry Kane ilagu daray Raheem Sterling.

Marcus Rashford ayaan dhalinin wax gool ah tan iyo 2-dii gool uu ka dhaliyay kooxda Chelsea kulankii ay kaga daah furteen horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan.

Laakiin wuxuu dhaliyay 4 gool 7-dii kulan ee ugu dambeysay uu ka soo muuqday xulka qaranka England, wuxuuna doonayaa inuu halkiisa ka sii wado gooldhalintiisa xulka saddexda liibaax.

Haddaba wrgeyka “Daily Mail” ee dalka England ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Marcus Rashford waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Harry Kane waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican ee dhanka soo afjarida kubbadaha aan ka dhinac ciyaaro, xili kasta oo aan tababarka wada qaadano, waxaan doonayaa inaan ku dhawaado rikooradiisa inta suurtagalka ah”.

“Haddii uu dhaliyo 6 gool, waxaan rabaa inaan dhaliyo isla goolashaas oo kale, haddii uu dhaliyay 7 gool waxaan rabaa inaan dhaliyo 8, waxyaabahan yar yari ma arkaan taageerayaasha”.

“Inkastoo aan tartan ugu jirno boos isku mid ah, hadana midkeen kan kale ayuu horey u sii riixaa, waxa ugu muhiimsan ayaana ah in lagu raaxeysto jawigaas”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close