“Messi igama codsanin inaan la saxiixdo Neymar Jr” – Madaxweynaha kooxda Barcelona

(Yurub) 07 Sebt 2019. Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa si qoto dheer kaga hadlay kiiska heshiiskii ay ku fashilmeen ee Neymar Jr.

Josep Maria Bartomeu ayaa si cad u sheegay in kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uusan ka codsanin saxiixa xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr, sida lagu sheegay warbaahinta.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waan ognahay inuu Neymar doonayay inuu ka tago Paris Saint-Germain, sababtoo ah Leonardo ayaa albaabada u furay wadahadalada”.

“Waan ka war qabaa in kooxo kale ay qeyb ka ahaayeen wadahadalada si ay u helaan Neymar Jr, Barcelona waxay qeyb ka aheyd kooxahaas”.

“Haddii Neymar suuqa laga heli karo, anagana waxaan isku dayeynaa inaan la saxiixano, balse ma sameynin wax balan qaad ah, haddii ay PSG albaababada u furto wada hadalada, anagana waan la hadleynaa iyaga”.

“Waan ogahay in Neymar uu u sheegay PSG inay kaliya wadahadal la yeeshaan Barca, maamulka kooxda wax walba ayuu u qabtay sidii uu Neymar u imaan lahaa xagaaga, wargeysyada wey ogyihiin arintaas. laacibka wuxuu sameeyay wixii uu sameyn lahaa”.

“Messi ma uusan i weydiisanin inaan la saxiixdo Neymar, balse maamulka ayaa go’aansaday inay la soo wareegaan ciyaaryahanka tan iyo markii ay ogaadeen in laga heli karo suuqa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close