Busquets oo ka warbixiyay waxa ka dhiman Frenkie de Jong si uu ula qabsado Barcelona

(Barcelona) 07 Sebt 2019. Sergio Busquets ayaa ka hadlay loolanka uu kala kulmi doono ciyaartoyda soo koreysa ee da’ayarta ah kuwa gudaha iyo banaanka ee ka ciyaara booskiisa, haddii uu noqon lahaa Frenkie de Jong marka ay tahay kooxda Barcelona, ama kan kooxda Man City  Rodrigo ee xulka qaranka La Roja.

31 jirkan oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka xulalka Spain iyo Faroe Islands ayaa wuxuu yiri:

“Waqtiga ayaa qof walba gelinaya booskiisa, ugu dambeyntii de Jong oo Barcelona ah iyo Rodrigo oo isna Spain ah, labaduba waa lama huraan”.

Sergio Busquets ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku daray waxa uu u baahan yahay De Jong si uu ula qabsado kooxda wuxuuna yiri:

“Frenkie de Jong wuxuu u baahan yahay waqti si uu ula qabsado kooxda Barcelona”.

“Waa inuu sidoo kale la qabsadaa qaab nololeedka, xaaladda Barcelona way ka duwan tahay kooxdiisii ​​hore, laakiin tayada uu leeyahay wuxuu sidaas ku sameyn doonaa si layaab leh”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close