Waa kuma shaqsiga Virgil van Dijk ka hor istaagay inuu ku biiro kooxda Manchester United?

(Manchester) 06 Sebt 2019. Van Dijk ayaa ku biiri lahaa kooxda Manchester United, balse waxa jiray hal shaqsi oo ka hor istaagay, taas oo keenaty in uu Liverpool ku biiro.

Tababare Jose Mourinho ayaa diiday in kooxda Man United ay la soo wareegto Virgil van Dijk ka hor inta uusan daafaca u wareegin dhinaca naadiga Liverpool.

Waxa ay Manchester United qabtay dhibaato dhanka daafaca ah xilligii uu kooxda joogay Macallin Jose Mourinho.

Macallinka reer Portugal ayaa la soo saxiixday labo daafac dhexe waqtigiisii kooxda uu joogay waana Eric Bailly iyo Victor Lindelof, balse midkoodna ma xalinin dhibaatadii daafac ee heysatay Red Devils.

Waxaana haatan la ogaaday in Mourinho uu ka horjoogsaday kooxda Manchester United saxiixa daafaca reer Holland ee Van Dijk, taasoo wadada u furtay inuu u dhaqaaqo naadiga Liverpool.

VIDEO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close