Sida uu xulkeenna Soomaaliya uga qeyb gali karo Koobka Adduunka ee sanadka 2022 lagu qabanayo dalka Qatar & Waxa looga baahan yahay?

(Muqdisho) 06 Sebt 2019. Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul weyn oo lama ilaawaan ah xalay ka gaaray dhiggooda Zimbabwe lugta hore ee is-aragga koowaad ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022.

Wiilasha Ocean Stars ayaa 1-0 ku garaacay Zimbabwe oo Soomaaliya ka sarreysa 90 boos marka la eego dhanka qiimeynta FIFA, waxaana kulankii ka dhacay garoonka El Hadj Hassan Gouled Aptidon ee dalka Jabuuti xulkeenna guusha qura u dhaliyey Anwar Shakunda.

Waa guushii ugu horreysay ee ay Soomaaliya ka gaarto kulan isreeb-reeb tan iyo guushii ay ka gaareen Kenya ee isreeb-reebka Koobka Qarammada Afrika sanadii 1984-kii.

Sidoo kale waa guushoodii ugu horeysay abid ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, waana guushii ugu horreysay ee ay gaaraan tan iyo bishii Janaayo sanadkii 2009.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegi doonnaa wadada uu xulkeenna qaranka Soomaaliya u marayo ka soo muuqashada koobka Adduunka ee sanadka 2022 lagu qabanayo dalka Qatar ee ka daawo muuqaalka hoose.

VIDEO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close