RASMI: Man United oo shaacisay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta Laacibka Bisha… (Ma James Mise Wan-Bissaka?)

(Manchester) 06 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa shaacisay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta Laacibka Bisha ee xili ciyaareedkan cusub 2019/20.

Xiddiga cusub kooxda Manchester United ee Daniel James ayaa markii ugu horeysay loo doortay Laacibka Bisha ee Red Devils.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Wales ayaa waayo fiican ee loo rayaaqay kaga bilaawday noloshiisa Premier League, isagoo qabtay shaqo fiican afartii kulan ugu horeysay ee laga ciyaaray horyaalka.

Waxa uu si dhaqso leh kaga dhex muuqday garoonka Old Trafford, kaddib markii uu qaab badal ah ku soo galay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Chelsea wuxuuna dhaliyay gool, isagoo wixii xiligaas ka dambeeyay si rasmi ah kaga soo bilowday dhamaan seddexdii kulan kale ee xigtay.

Haddaba Daniel James ayaa wuxuu abaal-marinta Laacibka Bisha ku garaacay xiddigaha Aaron Wan-Bissaka iyo Harry Maguire.

Daniel James – 61%.

Aaron Wan-Bissaka – 36%.

Harry Maguire – 3%.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close