“Kaliya Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ka fiican Neymar”

(Yurub) 06 Sebt 2019. Neymar Jr ayaa xilliyadii lasoo dhaafay dhibaatooyin kala duwan dhexda kaga jiray, kuwaasoo isugu jiray dhaawac iyo khilaaf kala dhexeeyay madaxda ugu sareysa kooxdiisa PSG.

Macalinka xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa xaqiijiyay in kaliya xiddigaha Ronaldo iyo Messi ay ka fiican yihiin wiilka reer Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar Jr.

Laacibka PSG ayaa la qorsheenayaa inuu ka qeyb qaato kulanka saaxiibtinimo ay la ciyaari doonaan xulka Colombia inta lagu gudi jiro kulamada caalamiga ah kaddib muddo dheer uu garoomada ka maqnaa.

Haddaba macalinka reer Brazil ayaa wali u arka Neymar Jr inuu yahay ciyaaryahanka seddexaad ee ugu fiican adduunka kaddib Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

“Neymar wuxuu ka soo kabtay dhaawacii soo gaaray kahor tartanka Copa America”.

“Hadii uusan diyaar aheyn, ma uusan ka mid noqon laheyn liiska xiddigaha xulka qaranka, waxaana jirta kalsooni ah inuu ciyaari karo”.

“50% goolasha xulka qaranka Brazil marka uu ciyaarayo Neymar, isaga ayaa sabab u ah, ama sabab ha ugu noqdo inuu caawiyo ama uu dhaliyo”.

“Marka la fiiriyo tayada farsamada, waxaan ka horeeysiinayaa kaliya Ronaldo iyo Messi, kaddib waxaa imaanaya Neymar iyo Eden Hazard, laakiin waxaan door bidayaa farsamo ahaan Neymar, sababtoo ah wuu ka dhakhso badan yahay Hazard, lamana joojin karo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close