“Bixitaanka Messi wax wal-wal ah kama qabo… waana in la xiro wararka la xiriira Neymar Jr” – Piqué

(Barcelona) 06 Sebt 2019. Xiddiga kooxda Barcelona ee Gerard Piqué ayaa ka hadlay suuragalnimada uu Lionel Messi kaga dhaqaaqi karo naadiga reer Catalonia.

Saxaafada ayaa dhawaantan xaqiijisay inay jirto shuruudo qeyb ka ah heshiiska Lionel Messi ee u ogolaanaya inuu kaga dhaqaaqi karo kooxda Barcelona meel ka baxsan Yurub, dhammaadka bisha Juun ee sanad kasta.

Haddaba wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu soo bandhigay wareysi uu bixiyay Gerard Piqué waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waan ogahay inuu jiro shuruudo ku jira qandaraaska Lionel Messi ee u ogolaanaya inuu baxo waqtiga uu doonayo”.

“Laakiin sifiican ayaan u naqaanaa sida uu Lionel Messi daacad ugu yahay kooxda Barcelona, wax walwal ah kama qabo Lio, sababtoo ah wuxuu xaq u leeyahay in mustaqbalkiisa uu gacantiisa ku go’aamiyo”.

Intaas kaddib daafaca kooxda Barcelona ayaa wuxuu ka hadlay wararka xanta ahaa ee Neymar Jr lala xiriirinayay inuu dib ugu soo laabanayo Camp Nou wuxuuna yiri:

“Waxaa jiray sheekooyin badan oo ku saabsan heshiiska Neymar Jr ee suuqii dhawaa ee xagaaga, laakiin waa inaan hada xirnaa boggan”.

“Inuu sii socdo suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhanka Spain ilaa iyo kulamada seddexaad ee La Liga, waa wax aan micno laheyn”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close