Juventus oo qorsheeneysa inay la soo saxiixato saddex ka mid ah xiddigaha kooxda Man United

(Turin) 05 Sebt 2019. Wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ayaa shaaca ka qaaday in kooxda reer Talyaani ee Juventus ay qorsheyneyso inay la soo saxiixato seddex ciyaaryahan ka tirsan Manchester United kaddib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Kooxda Juventus ayaa lagu yaqaanaa inay bartilmaameed ka dhigato ciyaartoyda qandaraaskooda uu gabo-gabo yahay si ay ula saxiixato beeca xurta ah, waxayna qaabkan ku heshay xiddigii hore naadiga Arsenal ee Aaron Ramsey, iyagoo markale doonaya inay ku sameeyaan Manchester United.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Juventus ay bar-tilmaameed ka dhiganeyso inay la soo wareegto saddexda xiddig kooxda Manchester United ee kala ah David de Gea, Eric Bailly iyo Nemanja Matić, kuwaasoo ay dooneyso xili ciyaareedka soo socda inay ku hesho beeca xurta ah, maadaama heshiiskooda uu dhacayo xagaaga 2020.

La Gazzetta dello Sport ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay inkastoo David de Gea uu yahay goolhaayaha koowaad ee kooxda Manchester United, haddana wali heshiis kama dambeys ah ma uusan la gaarin maamulka Red Divals si uu qandaraaska u kordhiyo, maadaama heshiiskiisa haatan uu dhacayo dhamaadka xili ciyaareedkan, sidaas darteed Juve ayaa isku dayi doonta inay ku qanciso imaatinkiisa Bianconeri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close