Waa tee kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga ee doonaysa inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo soo xero gelinta Christian Eriksen?

(Yurub) 04 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo weeraryahanka Naadiga Tottenham Hotspur ee Christian Eriksen.

Xiddiga xulka qaranka Denmark ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu isaga tagi doono kooxda uu hoggaamiyo macallin Mauricio Pochettino intii lagu guda jiray suuqii kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga, laakiin waxa uu ku sii nagaaday kooxdiisa.

Kubbad-sameeyahan ayaa heshiiskiisa haatan uu kula jiro kooxda Spurs waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan soconaya haatan, inkastoo ay u muuqato wax aan macquul ahayn inuu heshiiska u kordhiyo kooxda reer London.

Kooxda Manchester United ayaa la sheegay inay qorsheynayso inay u dhaqaaqo da’yarkii hore ee Naadiga Ajax bisha Janaayo, markaasoo kooxda macallin Pochettino lagu qasbi karo inay ku iibiso laacibkan qiimo jaban.

Si kastaba ha ahaatee, Jariiradda Daily Express ayaa warinaya inay kooxda Inter Milan ay sidoo kale eegeyso inay bartamaha xagaagan dalab ka gudbiso 27-sano jirkaan, kooxda Serie A ka dhisan ee uu hogggaamiyo macallin  Antonio Conte ayaana bisha Janaayo sameyn doonta dalab ku aaddan xiddigan khadka dhexe.

Eriksen ayaa hal gool dhaliyey afar kulan oo uu horyaalka Premier League u saftay kooxda ka dhisan caasimadda Ingiriista xilli ciyaareedkan bilowga ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close