Manchester United oo ku dhawaaqday liiska musharaxiinta abaal-marinta Xiddiga Bisha

(Manchester) 04 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhawaaqday liiska musharixiinta abaalmarinta laacibkii ugu fiicanaa bishii August.

Liiska xiddigihii ugu fiicnaa bishii Agoosto ayaa ka kooban magacyada saddex ciyaaryahan ee lasoo xushay kaddib kulamadii la ciyaaray bishii August, waxaana ka mid ah Daniel James kaasoo ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa Red Devils isbuucyadii la soo dhaafay.

Website-ka rasmiga ee kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah loogu shaaciyay magacyada liiska musharaxiinta abaal-marinta laacibkii ugu fiicanaa bishii August kooxda Manchester United.

Xiddigaha liiskan ku soo baxayay ee ah musharaxiinta abaal-marinta laacibkii ugu fiicanaa bishii August ayaa ka kooban, Daniel James, Harry Maguire iyo Aaron Wan-Bissaka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close