Liiska xiddigaha kooxda Liverpool ee ka qeybgalaya tartanka Champions League xilli ciyaareedkan 2019-2020 oo lasoo saaray

(Liverpool) 04 Sebt 2019. Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ku dhawaaqay liiska rasmiga ah xiddigaha Reds ee isku diyaarinaya ka qeyb qaadashada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2019-2020.

Liverpool ayaa war rasmi ah ay ku shaacisay website-keeda iyo dhamaan boggageeda rasmiga ah ee sida Facebook, Twitter iyo Instagram ayaa waxay daaha ka qaaday liiska ciyaartoydii kaga qeyb gali doona tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Liiskan magacyada uu ku dhawaaqay macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp ayaa isugu jira laba qeybood A oo ka kooban 22 ciyaaryahan iyo B oo ka kooban 7 ciyaaryahan

Haddaba dhanka hoose kaga boggo liiska 22 ciyaartoy ee kooxda Liverpool kaga qeyb galaya tartanka Champions League xili ciyaareedkan 2019/2020:

Liiska A: Alisson, Elliott, Firmino, Salah, Gomez, Henderson, Keita, Lallana, Lonergan, Lovren, Mane, Matip, Milner, Origi, Oxlade-Chamberlain, Robertson, Adrian, Shaqiri, Fabinho, Van den Berg, Van Dijk, Wijnaldum.

Liiska B: Alexander-Arnold, Brewster, Jones, Kane, Kelleher, Larouci, Lewis.

Gool FM.

 

 

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close