FIFA oo soo bandhigtay Astaanta Koobka Adduunka ee ay marti gelinayso Qatar sanadka 2022

(World) 04 Sebt 2019. Waxaa xalay la soo bandhigay sawirka ama astaanta gaarka ah ee uu yeelanayo Koobka Adduunka 2022 ee ay marti gelin doonto Qatar.

Xiriirka Kubadda cagta FIFA ayaa sheegay in astaantani ay tahay marada Shaal Dhaqameedka dalkaasi, lambarka 8-da ah ee ay u sameysan tahayna waa siddeeda garoon ee casriga ah ee ay Qatar u diyaarisay in lagu qabto ciyaaraha Adduunka sanadka 2022.

Qatar ayaa tartankii ay ku heshay marti gelinta ciyaarahani qiimaha leh waxa ay kaga soo guuleysatay dalal waa weyn oo kala ah; Mareykanka, Australia, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Inkastoo Qatar lagu eedeeyay inay qaab musuq maasuq ah ku heshay marti gelinta ciyaarahani, haddana xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa baaritaan uu waday muddo 2 sanadood ah wuxuu wax dambi ah ku soo waayay Qatar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close