RASMI: Henrikh Mkhitaryan oo ku biiray horyaalka Talyaaniga… + SAWIRRO

(London) 02 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Henrikh Mkhitaryan uu ku biiray Naadiga reer Talyaani ee AS Roma.

Kooxda Barcelona ayaa war rasmi ah ay ku shaacisay website-keeda iyo dhamaan boggaga ay ku leedahay baraha bulshada ee sida Facebook iyo Twitter waxay ku sheegtay in Henrikh Mkhitaryan uu heshiis amaah ugu wareegay AS Roma.

Heshiiskan ayaan ku jirin wax dooq ah ee si toos ah loogu iibsan karo xiddiga reer Armenia, waxayna kooxda reer Talyaani ku bixineysaa heshiiskan qiimo dhan 3 milyan euro.

30 jirkan ayaa dhaliyay afar gool 22 kulan uu u saftay Arsenal waqtiyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, laakiin kasoo muuqasho la’aantiisa qorshaha tababare Unai Emery ayaa sababtay inuu baxo.

Sidoo kale Bayaankan ayaa lagu xaqiijiyay inaysan jirin wax xaq ah ay ku iibsan doonto kooxda AS Roma adeega Henrikh Mkhitaryan, laakiin naadiga reer Talyaani ayaa laga doonayaa inay ku bixiso qiimo dhan 3 milyan euro heshiiskan amaahda ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close