Pogba oo laga reebay liiska xiddigaha xulka qaranka Faransiiska ee kulamada Albania iyo Andorra… (Maxay tahay sababta?)

(France) 02 Sebt 2019. Xiriirka kubadda cagta ee dalka Faransiiska ayaa ku dhawaaqay In laacibka khadka dhexe kooxda Man United ee Paul Pogba laga saaray liiska xiddigaha xulka qaranka France ee ka qeyb galaya labada kulan caalami ay la ciyaari doonaan xulalka Albania iyo Andorra ee isreeb reebka koobka Euro 2020.

Didier Deschamps ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska ciyaartooyda ka qeyb galeysa labada kulan soo aadan ay maalmo kadib ciyaari doonaan, wuxuuna ugu yeeray Paul Pogba si uu uga qeyb galo labadaas ciyaar, laakiin ciyaaryahanka ayaa dhaawac soo gaaray inta uu ku gudi jiray tababarka.

Xiriirka kubadda cagta ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in Pogba uu ka cabanayay dhaawac yar  ee dhanka canqowga ah, sidaas darteed dhaqaatiirta xulka qaranka ayaa waxay go’aansadeen inay xirir la sameeyaan waaxda caafimaadka ee kooxda Manchester United si looga reebo labada kulan ay la ciyaari doonaan xulalka Albania iyo Andorra.

Didier Deschamps ayaa go’aansaday inuu u yeero da’ayarka kooxda Arsenal ee Mattéo Guendouzi si uu u noqdo badalka Paul Pogba, waana talaabo muhiim u ah 20 jirkan, kaasoo bandhig fiican ka sameeyay Gunners xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa sheegay inuusan jirin wax xiriir ah ee ka dhexeeyay ka saarista Pogba ee liiska xiddigha xulka qaranka Faransiiska iyo arrimaha ku saabsan mustaqbalkiisa Man United, maadaama ay jiraan warar sheegaya suurtogalimada uu ugu wareegi karo kooxda Real Madrid saacadaha ugu dambeeya ee suuqan xagaaga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close