Goolhaaye Keylor Navas oo macsalaameeyay Real Madrid, isagoo ku sii jeeda Paris si loo dhameystiro heshiiskiisa

(Madrid) 02 Sebt 2019. Kooxda Paris St Germain ayaa isku diyaarineysa maanta oo Isniin ah inay go’aamiso heshiiska goolhaayaha kooxda Real Madrid ee reer Costa Rica Keylor Navas.

Wrgeyska “AS” ee dlaka Spain ayaa xaqiijiyay in Keylor Navas uu u safri doono maanta oo Isniin ah caasimada France ee Paris, isagoo macsalaameeyay kooxda Real Madrid.

Goolhaayaha reer Costa Rica ee Keylor Navas ayaa la xaqiijinayaa inuusan dib dambe ugu soo laaban doonin kooxda Real Madrid, kaddib marka uu ka dhaqaaqo.

Goolhayaha kooxda Paris Saint-Germain ee Alphonse Areola ayaa noqon doona badalka Keylor Navas ee naadiga Real Madrid.

Areola ayaa la rajeynayaa inuu dooqa labaad u noqon doono Real Madrid isaga oo ka dambeyn doona goolhaye Thibaut Courtois kaasoo dooqa koowaad u ah naadiga ku ciyaarta garoonka Bernabeu, waana doorkii uu Navas sheegay in uusan diyaar u ahayn xilli ciyaareedkan, kuna qasabtay u dhaqaaqista PSG.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close