Daa’uud Tubaal oo ka soo muuqan doona tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir

(Soomaaliya) 02 Sebt 2019. Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Dekedda ee Daa’uud C/llaahi Tubaal ayaa ka soo muuqan doona Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir kaasoo lagu wado inuu goordhow ka bilawdo  magaalada Muqdisho.

Maamulka Isboortiga Degmada Yaaqshiid ayaa xalay Daa’uud C/llaahi Tubaal u magacaabay macallinka hoggaamin doona Degmada Yaaqshiid, tartanka Degmooyinka gobolka Banaadir.

Daa’uud C/llaahi Tubaal ayaana ka soo muuqan doona tartanka degmooyinka gobolka Banaadir isagoo tababare u ah degmada Yaaqshiid markiisii ugu horreysay.

Isagoo la hadlay idaacadda gool fm ayuu sheegay inuu rajaynayo inuu doorkiisa tababarennimo guulo la taaban karo la gaaro degmada Yaaqshiid.

Tababarkiisii ugu horreeyey ayuu macallin Daa’uud Tubaal xiddigaha degmada Yaaqshiid saakay oo Isniin ahayd.

Degmada Yaaqshiid ayaa ka mid ah degmooyin dhowr ah oo loo saadaalinayo inay ku guuleysan karaan tartanka Degmooyinka gobolka Banaadir.

Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu waday inuu bilowdo shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 01 bisha September, laakiin dib u dhacay ayaa ku yimid, iyadoo markale la shaacin doono xilliga sida rasmiga ah uu u furmi doono tartankan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close