Wax ka ogow kaliya saddexda ciyaaryahan ee goolasha ugu badan ka dhaliyey kooxda Arsenal horyaalka Premier League!

(London) 01 Sebt 2019. Kulanka u dhexeeya Arsenal iyo Tottenhan ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku gacan sarreyso Spurs, iyadoo ay wax waliba isbedeli karaan qeybta labaad ee ciyaarta.

Christian Eriksen ayaa hoggaanka u dhiibay Tottenham ka hor inta uusa goolka labaad rigoore ugu dhalin Harry Kane, balse Gunners ayaa hal gool iska soo guday waxaana u dhaliyey Lacazette.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynayaa kaliya saddex ciyaaryahan oo 10 gool ama in ka badan ka dhaliyey kooxda Arsenal kulammada horyaalka Premier League:-

Saddexdaas ciyaaryahan waxa ay kala yihiiin Wayne Rooney oo Gunners ka dhaliyey 12 gool kulammada horyaalka Premier League.

Robbie Fowler iyo Harry Kane oo min 10 gool ugu shubay Arsenal ciyaaraha horyaalka Premier League.

Kane ayaa sii wadan kara kulankan dhalinta goolasha uu horyaalka Premier League kaga dhalinayo Arsenal inta uu socdo caawa kulanka London Derby balse hadda goolkii uu rigoorada kaga dhaliyey Gunners ayaa ahaa kii 10-aad oo ugu shubo Arsenal.

Sheekada xiisaha leh ayaa ah in kaliya saddex ciyaaryahan ee 10 gool ama in ka badan ka dhaliyey kooxda Arsenal kulammada horyaalka Premier League ay dhammaantood yihiin Ingiriis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close