Real Madrid oo barbaro la soo gashay kooxda Villarreal oo ay booqatay, xili uu Bale qaatay kaarka roosaha…+ SAWIRRO

(Spain) 01 Sebt 2019. Kooxaha Villarreal iyo Real Madrid ayaa dhinbcaha ku kala qeybsaday Estadio de la Ceramica, kaddib markii ay ku kala bexeen barbaro 2-2 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 12-aad Gerard Moreno ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Villarreal, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Laakiin 45 daqiiqo markii ay ciyaarta aheyd xiddiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Dani Carvajal.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay garoonka lasoo galeen qaab ciyaareed heersare ah, iyaga oo sameeyay fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

Laakiin 74 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Moi Gomez ayaa hogaanka markale u dhiibay kooxdiisa Villarreal, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Javier Ontiveros, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1.

86 daqiiqo Gareth Bale ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah. xili xiddiga reer Weles uu dhamaadkii ciyaarta qaatay kaarka roosaha.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah ay ku kala baxeen kulankii xiisaha badnaa ay wada ciyaareen labada kooxood ee Villarreal iyo Real Madrid.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close