RASMI: Tiémoué Bakayoko oo ka tagay Chelsea kuna biiray koox cusub

(London) 01 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta Monaco ayaa dib ula saxiixatay Tiémoué Bakayoko kaasoo ay ka soo qaateen Chelsea.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xaqiijisay in ciyaaryahankeeda khadka dhexe ee Tiémoué Bakayoko uu ku biiray naadiga Monaco oo uu amaah ugu ciyaari doono ololaha soo socda.

Bakayoko ayaa markiisii labaad amaah ku baxaya kaddib markii uu sanadkii la soo dhaafay ka ciyaaray horyaalka Serie A kaddib markii uu ka tirsaan AC Milan.

Fursad ayey u tahay kooxda reer France taasoo qiyaar u ahaysata inay xagaaga soo socda si toos ah u wada iibsato, iyadoo laacibkan lagu qiimeeyo adduun dhan 42.5 milyan oo euro.

Bakayoko wuxuu markii hore ku soo biiray kooxda ka dhisan London, isagoo ka yimid kooxda Monaco, wuxuuna u saftay Blues 43 kulan xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay.

Laakiin waxaa lagu wargeliyey inuusan boos joogto ah ka helaynin kooxda uu hoggaamiyo tababare Frank Lampard, waxaana uu albaabada u furay inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close