Mourinho oo saadaaliyay qaabka loogu tartami doono hanashada Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan

(England) 01 Sebt 2019.Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa saadaaliyay qaabka loogu tartami doono hanashada Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Xilli ciyaareedkii hore horyaalka Premier League waxaa si adag ugu tartamay kooxaha Manchester City iyo Liverpool, ilaa iyo kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka oo ay ugu dambeyntii ku guuleysatay Skay Blues.

Tababarihii hore ee kooxaha Manchester United, Chelsea, Real Madrid iyo Inter Milan ayaa wali shaqo la’aan ah, tan iyo markii laga ceyriyay shaqada tababarenimo ee Red Devils bishii December ee la soo dhaafay.

Haddaba Jose Mourinho ayaa saadaaliyay in tartanka loogu jiro hanashada Premier League xilli ciyaareedkan uu markale ka dhexeyn doono kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

Macalinka reer Portugal ayaa u sheegay shabakada caanka ah “Sky Sports” ee dalka England.

“Waxaan si cad u fahamsanahay in kooxaha Liverpool iyo Manchester City ay xili ciyaareedkan horyaalka kaga dhameysan doonaan kaalinta koowaad iyo labaad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close