Koulibaly oo baryo iyo raaligelin isugu daray taageerayaasha Napoli, kaddib markii uu kooxdiisa waqti xun wadnaha jaray

(Turin) 01 Sebt 2019. Daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa baryo iyo raaligelin isugu daray taageerayaasha Napoli, kaddib goolkii uu sida qaladka ahaa isaga dhaliyay waqtigii dhimashada kulankii xalay ay kula ciyaareen Juventus isbuuca labaad horyaalka Talyaaniga ee xili ciyaareedkan cusub 2019/2020.

Kalidou Koulibaly ayaa iska dhaliyay gool kam ah daqiiqadii 92-aad, in kooxda Juventus ay guul ku gaarto 4-3, kulankii xalay ka dhacay Allianz Stadium.

Haddaba xiddiga reer Senegal ayaa ciyaarta kaddib wuxuu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee “Instagram-ka” fariin raali galin ah wuxuuna yiri:

“Wuxuu ahaa gool niyadjab ah, runtii way i xanuunjineysaa, sababtoo ah wuxuu goolka yimid kaddib markii aan si cajiib ah ugu soo laabanay natiijada ciyaarta”.

“Waan ka xumahay laakiin waa inaan aqbalnaa arrinta dhacday, waxaanahay kuwo xoogan waana muujinay, taasi waa inaan cadeynaa”.

Si kastaba ha noqotee, kooxda Juventus ayaa si ku meel gaar ah ugu fadhisa hogaanka horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, kaddib markii ay soo adkaatay labadii kulan ee laga ciyaaray xili ciyaareedkan, waxayna ka aruursadeen 6 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close