Kooxaha Arsenal iyo Tottenham oo dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Emirates Stadium … + SAWIRRO

(London) 01 Sebt 2019. Kooxaha Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa dhinbcaha ku kala qeybsaday Emirates Stadium, kaddib markii ay ku kala bexeen barbaro 2-2 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hogaamineysay kooxda Tottenham Hotspur.

Daqiiqadii 10-aad Christian Eriksen ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Tottenham Hotspur, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-1.

40 daqiiqo markii ay ciyaarta aheyd kooxda Tottenham Hotspur.ayaa heshay riggoore waxaana gool u badalay Harry Kane dheesha ayaana waxay sidaas ku noqotay 0-2.

Laakiin 45 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Alexandre Lacazette ayaa dheesha ka dhigay 1-2, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Nicolas Pepe.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay garoonka lasoo galeen qaab ciyaareed heersare ah, iyaga oo sameeyay fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta wuxuu ka dhigay barbaro 2-2 ah, waxaana goolkan ka caawiyay Matteo Guendouzi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah ay ku kala baxeen kulankii xiisaha badnaa ay wada ciyaareen labada kooxood ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close