Tababare Sarri oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Juventus ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Napoli…. (Yaa Ka Maqan Yaase Ku Soo Baxay?)

(Turin) 31 Agoosto 2019. Tababare Maurizio Sarri ayaa si rasmi ah ugu  dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Juventus uu ku wajihi doono kulanka adag ay caawa kula ciyaari doonaan naadiga Napoli horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Indhaha mucaashaqiinta kubadda cagta ee caalamka ayaa caawa ku sii jeeda kulanka horyaalka Serie A ee ku dhex mari doono Allianz Stadium kooxaha Juventus vs Napoli, kaasoo noqonaya kulankooda labaad horyaalka ee xili ciyaareedkan cuub 2019/20.

Liiskan uu ku dhawaaqay tababare Maurizio Sarri ayaa waxaa ku soo baxay xiddigaha Adrien Rabiot, Merih Demiral, Matthijs de Ligt, Paulo Dybala, Buffon iyo Danilo, waxaana hogaaminaya Cristiano Ronaldo.

Laakiin taas badalkeeda waxaa liiskan ka maqan labada xiddig ee kala ah Giorgio Chiellini iyo Aaron Ramsey.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha uu tababare Sarri ugu yeeray kulanka ugu adag todobaadkan horyaalka Serie ay caawa kula ciyaari doonaan Napoli:

Szczęsny – Buffon – De Sciglio – De Ligt – Pjanić – Khedira – Ronaldo – Dybala – Douglas Costa – Danilo – Matuidi – Mandžukić – Cuadrado – Bonucci – Higuaín – Emre Can – Rugani – Rabiot – Demiral – Bentancur – Pinsoglio- Bernardeschi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close