Manchester United oo barbaro niyadjab ah la dhaafi weysay kooxda Southampton …+ SAWIRRO

(England) 31 Agoosto 2019. Kooxaha Man United iyo Southampton ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah kulan adag ay ku wada ciyaareen horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 10-aad ee qeybta hore ciyaarta Daniel James ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Manchester United, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Scott McTominay, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay garoonka lasoo galeen qaab ciyaareed heersare ah, iyaga oo sameeyay fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

58 daqiiqao Jannik Vestergaard ayaa goolka barbaraha u dhaliyay kooxdiisa Southampton wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1, ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Man United iyo Southampton, kulan aad u adag ay ku wada ciyaareen horyaalka Premier League.

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close