Liverpool oo guul sahlan ka soo gaartay kooxda Burnley oo ay booqatay… + SAWIRRO

(England) 31 Agoosto 2019. Liverpool ayaa guul muhiim kaga soo gaartay kooxdda Burnley garoonkooda Turf Moor, kaddib markii ay ku soo xasuuqday 0-3.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Liverpool.

Daqiiqadii 33-aad xiddiga kooxda Burnley ee Chris Wood ayaa iska dhaliyay gool kam ah wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Laakiin Sadio Mane ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Liverpool daqiiqadii 37-aad wuxuuna dheesha ka dhigay 2-0, kaddib caawin uu ka helay Roberto Firmino.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay garoonka lasoo galeen qaab ciyaareed heersare ah, iyaga oo sameeyay fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

80 daqiiqao Roberto Firmino ayaa dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hogaamineysay kooxdiisa Liverpool, Mohamed Salah ayaana ka caawiyay goolkan

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 3-0, ay guusha ku raacday Liverpool, kaddib markii ay si xarago leh kaga soo adkaadeen naadigiga Burnley oo ku ciyaareysay garoonkeeda Turf Moor.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close