Juventus oo guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Napoli garoonkeeda Allianz… + SAWIRRO

(Turin) 31 Agoosto 2019. Juventus ayaa guul dirqi ah ku gaartay Allianz Stadium, kaddib markii ay 4-3 ku garaacday kooxda Napoli kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen horyaalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Juventus.

Daqiiqadii 16-aad xiddiga reer Brazil ee Danilo ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Juventus, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay xiddiga isku wadanka kasoo wada jeedaan ee Douglas Costa.

19 daqiiqo Gonzalo Higuain ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, wuxuuna hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Juventus, iyadoo uu goolkan ka caawiyay madaalaha reer France ee Blaise Matuidi

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay garoonka lasoo galeen qaab ciyaareed heersare ah, iyaga oo sameeyay fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

62 daqiiqao Cristiano Ronaldo ayaa dheesha ka dhigay 3-0, kaddib caawin qurux badan uu ka helay saaxiibkiis Douglas Costa.

Daqiiqadii 66-aad Kostas Manolas ayaa gool u soo celiyay kooxdiisa Napoli, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1.

Laakiin waxay sheeko isbadashay kaddib markii uu xiddiga kooxda Napoli ee Hirving Lozano uu ciyaarta ka dhigay 3-2, kaddib markii uu caawin qurux badan ka helay saaxiibkiis Piotr Zielinski.

81 daqiiqao Giovanni Di Lorenzo ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 3-3 ah, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jose Callejon.

Laakiin 90-ka daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Kalidou Koulibaly ayaa iska dhaliyay gool kam ah waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 4-3 ay ku hogaanka ku qabatay Juventus,

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 4-3, ay guusha ku raacday kooxda martigda loo ahaa ee Juventus, kaddib markii ay si dirqi ah kaga adkaatay naadiga Napoli.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close