Horudhaca kulanka galabta horyaalka Premier League ee Kooxaha Manchester City vs Brighton & Hove Albion

(Manchester) 31 Agoosto 2019. Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League waxa ay garoonkeeda ku soo dhawaynaysaa Naadiga Brighton & Hove Albion.

Brighton ayaa rajaynaysa inay guuldarro ka fogaato marka ay u safreyso galabta oo Sabti ah garoonka Etihad, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonaan Manchester City.

The Seagulls ayaa ku guuldarreysatay inay guul soo gaarto mid kasta oo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey oo ay booqatay Man City, iyagoo soo khasaaray shantii kulan ee ugu dambeeyey oo isku xiga.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Taariikhda: Sabti, 31 Agoosto 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 5:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: ​Jonathan Moss (England)

Garoonka: Etihad Stadium

Wararka Kooxaha:-

>- Manchester City ayaa kormeeri doonta xaaladda John Stones iyo Gabriel Jesus kuwaasoo labaduba ku soo laabtay tababarka kaddib dhibaatooyin dhaawac oo dhanka muruqa ah, waxaana ay ku soo dhoweynayaan inay taam ahaansho buuxdo ku soo laabtaan.

>- Dhibanayaasha dhaawac ee mudada dheer, Benjamin Mendy iyo Leroy Sane ayaa maqnaanshahooda garoomada sii wadan doona, halka saxiixa xagaagan ee Joao Cancelo uu sugayo inuu ku soo bilowdo safka hore kulankiisii ugu horreeyey ee Man City.

>- Weeraryahanka kooxda Brighton ee Florin Andone ayaa ganaax ku seegaya kulankan kaddib markii uu kaarka cas qaatay ciyaartii ay wajaheen Southampton.

>- Yves Bissouma, Jose Izquierdo iyo Ezequiel Schelotto ayaa dhammaantood sii wadana maqnaanshahooda kooxda Brighton.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Manchester City ayaa guul gaartay shantii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday kooxda Brighton tartammada oo dhan, waxaana ay guuleysteen dhammaan afartii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay iyo afar dhammaadkii tartanka FA Cup bishii April ee sanadkan 2019.

>- Brighton ayaan guuleystan kulan horyaalka ah, iyadoo marti u ah kooxda Man City sagaal isku day, waxaana ay kala kulmeen 7 guuldarro iyo 2 barbaro, iyadoo guuldarreysatay mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyey oo xiriir ah.

>- Manchester City ayaa guuldarro la’aan 17 kulan oo Premier League ah tan iyo guuldarradii 1-2 ee ka soo gaartay Newcastle bishii Janaayo, waxaana ay qaateen 49 dhibcood 51 dhibcood oo suuro-gal ahaa inay qaataan, iyadoo haysata 16 guul iyo 1 barbaro.

>- Manchester City ayaa guuleystay 16 ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League ee la baastay 5:00 galabnnimo saacadda geeska Afrika maalin Sabti ah, marka kaliya oo ay gurigooda guuldarrada kula kulmeen ciyaar la dheelay waqtigaan oo kale waa guuldarro 2-3 ka soo gaartay Crystal Palace bishii December sanadkii 2018-kii.

>- Sergio Aguero ayaa gool dhaliyey dhammaan saddexdii kulan ee Premier League oo uu wajahay kooxda Brighton, waxaana uu goolashaas ku dhaliyey dhammaan saddexdiisii shuut ee bartilmaameedka tooska ahaa.

>- Raheem Sterling ayaa dhaliyey shan gool oo Premier League xilli ciyaareedkan waxaana uu heerkaas kula biiray Teemu Pukki, kaliya Edin Dzeko oo 6 gool dhaliyey sanadkii 2011-kii iyo Chris Sutton oo 6 gool dhaliyey sanadkii 1997 ayaa shabaqa soo taabtay in ka badan bisha Agoosto hal sano gudihiis.

>- Macallinka kooxda Brighton ee Graham Potter ayaa Manchester City ku wajahay tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo tababare u ahaa Swansea, Inkastoo ay 2-0 ku hoggaaminayeen, iyadoo looga badiyay 2-3 waxaana lagu reebay wareegga siddeed dhammaadka tartankaas.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

​Man City: Ederson, Walker, Stones, Otamendi, Zinchenko; De Bruyne, Fernandinho, David Silva; Bernardo, Aguero, Sterling.

Brighton: Ryan; Duffy, Dunk, Burn; Montoya, Stephens, Propper, March; Maupay, Murray, Trossard.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close