Valverde oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Barcelona ee ka qeyb galaya kulanka Osasuna…. (Yaa Ka Maqan Yaase Ku Soo Baxay?)

(Spain) 30 Agoosto 2019. Macalinka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si rasmi ah ugu  dhawaaqay liiska xiddigaha Barca uu ku wajihi doono kulanka barri ee Osasuna.

Kooxda reer Spain ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah iyo dhamaan boggogeeda baraha bulshada liiska magacyada xiddigaha uu tababare Ernesto Valverde ugu yeeray kulankooda 3-aad ee horyaalka La Liga ay barri kula ciyaari doonaan Osasuna

Waxaa liiskan ka maqan magaca kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, sababa la xiriira dhaawac dhanka muruqa ee ka soo gaaray tababarka kooxda.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha uu tababare Ernesto Valverde ugu yeeray kulanka barri ee Osasuna oo dhameystiran:

عرض الصورة على تويتر

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close