Maamulka horyaalka La Liga oo shaaciyay in daqiiqad aamusnaan ah loo sameyn doono gabadha Luis Enrique

(Spain) 30 Agoosto 2019.  Maamulka horyaalka La Liga ayaa waxay shaaciyeen in daqiiqad aamusnaan ah loo sameyn doono gabadha Luis Enrique.

Saraakiisha horyaalka La Liga ayaa waxay shaaciyeen in kohor bilaabsashada dhamaan kulamada 3-aad horyaalka La Liga iyo iyo La Liga2, ee laga ciyaari doono isbuucan loo sameyn doono daqiiqad aamusnaan ah gabadha Luis Enrique.

Daqiiqadan aamusnaanta ah ay ku dhawaaqeen Maamulka horyaalka La Liga ayaa lagu xusi doonaa gabadha Luis Enrique ee Xana oo 9 jir aheyd, taasoo geeri naxdin leh ay ku timid khamiistii shalay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close