RASMI: Chris Smalling oo tijaabada caafimaadka u maray koox ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga

(Italy) 30 Agoosto 2019. Daafaca reer England ee Chris Smalling ayaa tijaabada caafimaadka u maray mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee horyaalka Talyaaniga.

Kooxda kubadda cagta ee AS Roma ayaa boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka waxay shaaca kaga qaaday in daafaca reer England ee Chris Smalling uu si guul ah kaga gudbay tijaabada caafimaad.

AS Roma ayaa dhowr daqiiqo kahor waxay soo dhigtay boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka sawirka Chris Smalling oo u maraya baaritaanada caafimaad, waxayna xaqiijisay in si guul ah uu kaga gudbay.

“Chris Smalling wuxuu yimid Roma wuxuuna dhammeystirey baaritaanka caafimaad”.

Kooxda Roma ayaa kala heshiisay dhigeeda reer England ee Man United in Chris Smalling ay kaga hesho qaab amaah ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close