RASMI: Virgil Van Dijk oo garaacay Messi iyo Ronaldo, kuna guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka Yurub

(Monaco) 29 Agoosto 2019. Daafaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Virgil Van Dijk  ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa sanadka Yurub.

Daafaca reer Holland ayaa abaal-marinta xiddiga sanadka Yurub ku garaacay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo goob-joog ahaa kuwaasoo abaal-marinta kula tartamayey Virgil Van Dijk.

Sidoo kale xafladda caawa ayaa daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk lagu guddoonsiiyey daafacii ugu fiican xilli ciyaareedka.

Kaddib markii uu kooxdiisa Reds ku hoggaamiyey Champions League, daafaca reer Holland ayaa loo caleemo saaray xiddigii ugu fiicnaa sanadka Yurub iyo daafacii ugu fiican xilli ciyaareedka 2018/2019.

Van Dijk ayaa noqday xiddigii ugu horreeyey ee reer Holland oo ku guuleysta abaal-marinta laacibka sanadka ee Yurub.

Dhinaca kale gabadha la yiraahdo Lucy Bronze ayaa ku guuleysatay xiddigta sanadka dhanka dumarka ugu fiicnayd xilli ciyaareedkii 2018-19.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close