RASMI: Isku aadka wareegga saddexaad ee tartanka Carabao Cup oo la sameeyey… (Yay ku aadeen kooxaha waa weyn ee Premier League?)

(England) 29 Agoosto 2019. Waxaa la sameeyey isku aadka wareegga saddexaad ee Carabao Cup, iyadoo wareeggaan ay ku soo biireen kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League.

Kooxaha Manchester City, Manchester United, Chelsea, Arsenal, Liverpool iyo Tottenham ayaana ogaaday kooxaha kale oo ay ku aadeen.

Kooxda difaacanaysa koobkaan ee Manchester City waxa ay la ciyaari doontaa wareegga saddexaad kooxda heerka labaad ee Preston oo ay marti u noqon doonaan.

Kooxda Arsenal waxa ay garoonkeeda Emirates Stadium ku soo dhawayn doontaa kooxda taariikhiga ah ee Nottingham Forrest kuwaasoo haatan ka ciyaara horyaalka heerka labaad.

Chelsea oo gaartay final-ka tartankan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku marti gelin doonta kooxdii soo baxda labada naadi ee Grimsby iyo Macclesfield Town.

Dhinaca kale Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku soo dhaweyn doonaan kooxda ay deriska yihiin ee Rochdale kuwaasoo ka dheela horyaalka heerka saddexaad ee dalka Ingiriiska.

Liverpool ayaa u safraysa oo ku aadday kooxda heerka saddexaad ka ciyaarta ee MK Dons, halka Tottenham ay u safri doonto kooxda heerka afaraad ee Colchester United.

23-ka bisha September ayaa la ciyaari doonaa kulammada wareegga saddexaad ee Carabao Cup.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida ay kooxuhu isugu aadeen wareegga saddexaad ee Carabao Cup:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close