Daawo: Sawiradii ugu muhiimsanaa xafladii abaal-marinada lagu bixiyay ee caawa lagu qabtay magaalada Monaco

(Monaco) 29 Agoosto 2019. Waxaa caawa lagu qabtay magaalada Monaco ee dalka France xaflada si heersare ay u soo agaasimeen xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA.

Waxaa inta ay xaflada socotay la sameeyay isku aadka heerka guruubyada Champions League, sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay guuleystaha abaal-marinta xiddiga sanadka ee Yurub.

Daafaca kooxda kubadda cagta Liverpool iyo xulka qaranka Holland ee Virgil Van Dijk  ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa sanadka Yurub.

Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay goolhaayihii ugu fiicnaa, daafacii ugu fiicnaa, xiddigii ugu fiicnaa khadka dhexe iyo weeraryahankii ugu fiicnaa ee xili ciyaareedkii hore tartanka Champions League, waxaana ku kala guuleystay xiddigaha, Alisson Becker, Virgil Van Dijk, Frenkie de Jong iyo Lionel Messi.

Haddaba Halka Hoose Kaga Boggo Sawiradii Ugu Muhiimsanaa Xafladii Caawa Ka Dhacday Magaalada Monaco ee Dalka Frnce:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close