Xiddiga Kooxda Chelsea ee Tiemoue Bakayoko oo doonaya inuu dib ugu laabto dalka Talyaaniga

(London) 28 Agoosto 2019. Laacibka khadka dhexe ee Chelsea, Tiemoue Bakayoko ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wargaliyay AC Milan inuu doonayo inuu ku laabto kooxda.

Sida uu warinayo Warsidaha Tuttosport, saraakiisha kooxda AC Milan ayaan meesha ka saarin inaysan ka soo daaheyn dib soo laabashada Bakayoko, iyagoo siinaya Kessie inuu baxo isbuucaan oo uu ku biiro kooxda Monaco.

25-sano ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku qaatay heshiis amaah ah garoonka San Siro, waxaana uu u saftay 42 kulan, isagoo noqday mid ay taageerayaashu jecel yihiin.

Yeelkeede, qeybtii dambe ee xirfaddiisa kooxdaas tababare Gennaro Gattuso ayaan la dhicin, kaddib markii uu laacibku tababarka ka soo daahayay oo uu imaan jiray xilli dambe.

Waxaana sidoo kale jira in macallinkii bedelay Gattuso ee Marco Giampaolo uu ka door-bidayey laacibkan xiddigaha khadka dhexe ee Ismael Bennacer iyo Lucas Biglia.

Si kastaba ha noqotee, laacibkan reer France ayaa dib ugu soo laaban kara Milan si uu bedel ugu noqdo booska uu ka baxayo Kessie, kaasoo bartilmaameed buuxa u ah kooxda Monaco.

Bakayoko ayaa markaa ku laabtay Chelsea, laakiin kuma jiro qorshahooda koowaad ee kooxda, illaa iyo haatanna waxa uu ku guul darreystay inuu xaqiijiyo ka bixitaankiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close