Saddex xiddig ka tirsan kooxda Dekedda oo looga yeeray Xulka Qaranka Soomaaliya

(Muqdisho) 28 Agoosto 2019. Saddex kamid ah xidigaha kooxda kubadda cagta ee Dekedda fc  ayaa looga yeeray waajibaadka Xulka Qaranka Soomaaliya iyadoo uu xulka ka qeyb galayo is reeb reerbka koobka Adduunka 2022 ee ka dhici doono wadanka Qatar ee qaarada Asia.

Tababare  reer Ghana ee Bashir Hayfor ayaa mar kale hogaamin doona xulka lagu naaneyso Ocean Stars, wuxuuna u yeeray saddex xidig ka tirsan kooxda Dekedda uu u arkay iney ku haboon yihiin waajibaadka xulka iyo falsafadiisa ciyaareed.

Xidigahan ayaa kamid ahaa ciyaartoydii Kooxda Dekedda kala qeyb gashay tartanka Caf Champions League inkasta oo ay iskaga soo hareen tartankaas.

Kooxda kubadda cagta Dekedda fc waa kooxdii labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League.

Hadaba waa kuwan xidigaha looga yeeray waajibaadka xulka Qaranka Soomaaliya.

1- Cabaas Aamiin Maxamed (Khadka Dhexe)

2-Cabdiwali C/Raxmaan Maxamed (Walic) (Daafac)

3- Xasan Ibraahim Cali (Xaseey) Goolhaye.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close