RASMI: Joao Mario oo ku biiray Koox ka dhisan dalka Ruushka & Faah-faahinta heshiiskiisa

(Moscow) 28 Agoosto 2019. Ciyaaryahankii Inter Milan ee Joao Mario ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda ka dhisan dalka Ruushka ee Lokomotiv Moscow.

Kaddib markii uu si rasmi ah ugu tagay Inter Milan oo uu ku biiray Lokomotiv Moscow ciyaaryahan Joao Mario ayaa sheegay inay tahay koox weyn.

Joao Mario ayaa Lokomotiv ugu biiray heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah oo ay qiyaar u ahaystaan inay 18 milyan oo euro ku wada iibsan karaan.

“Anigu aad baan ugu faraxsanahay inaan ku biiray Lokomotiv” ayuu hadalkiisa ku bilaabay laacibkan khadka dhexe.

“Waan ogahay inay tani tahay koox weyn, waxay la saxiixdeen xiddigo magac leh iyo ciyaartooy qibrad leh”.

“Waxaan weydiiyey Manuel Fernandes iyo Eder wax ku saabsan Lokomotiv markii aan kawada ciyaareynay xulka qaranka Portugal.”

“Waan la tashaday Eder ka hor inta aan la iibin, wuxuu ii sheegay Lokomotiv inay ahaayeen koox wanaagsan oo leh jawi cajiib ah.”

“Ka qeyb-galkooda Champions League sidoo kale waa qodob muhiim ah.”

Nerazzurri ayaa Sporting CP 45 milyan oo euro ka siisay adeegiisa, kaliya hal bil kaddib markii uu ka caawiyey xulkiisa qaranka Portugal ku guuleysiga tartankii EURO 2016.

Si kastaba ha haatee, 26-sano jirkaan ayaa kaliya saftay 69 kulan tartan rasmi ah saddex xilli ciyaareed, isagoo dhaliyey afar gool.

Sidoo kale isagu waxa uu qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2017-18 ku soo qaatay horyaalka Premier League isagoo ka mid ahaa kooxda kubadda cagta West Ham United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close