Isco Alarcon oo ku biiray liiska dhaawacyada kooxda Real Madrid… (Macallin Zidane oo shan laacib ee muhiim ah dhaawacyo ku weynaya)

(Madrid) 28 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la dhibtoonaysa dhaawacyo dhowr ah oo soo gaaray qaar ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah, waxaana haatan dhaawacyada Los Blancos ku biiray Isco Alarcon.

Ciyaaryahankan Isco Alarcon ayaa la maqnaanaya dhaawac dhanka muruqa ah, waxaana uu ka mid noqday shan ciyaaryahan oo muhiim ah oo uu macallin Zidane dhaawacyo ku weynayo.

Kaddib markii tijaabooyin lagu sameeyey Isco Alarcon maanta, isla markaana uu ku maray xarunta caafimaad Real  Madrid ayaa lagu xaqiijiyey inuu laacibku la dhibtoonayo dhaawac muruqa ah, isla markaana uu u baahan yahay inuu sii wato soo kabashadiisa.

Shaqaalaha caafimaadka kooxda Real Madrid ayaa horay uga wal-walsanaa xiddigaha dhaawacyada uga  maqnaa kooxda koowaad.

Isco ayaa ku biiray liiska dhaawacyada kooxda Los Blancos, isagoo noqday ciyaaryahankii shanaad ee dhaawac kaga maqan Naadiga kaddib Eden Hazard, Marco Asensio, Rodrygo iyo James Rodriguez.

Waxa uu Isco u baahnaan doonaa inuu garoomada seego ugu yaraan saddex isbuuc si uu u soo kabsado, waxaana uu soo laaban karaa kaddib ciyaaraha heerka caalami, sidaas darteed waqtigiisa soo kabashada laacibkan ayaan seejin doonin kulamo badan oo kooxdiisa ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close