“Waxaan ku dhownahay saxiixa Neymar” – Agaasimaha kooxda Barcelona ee Javier Bordas

(Barcelona) 27 Agoosto 2019. Agaasimaha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Javier Bordas ayaa xaqiijiyay in wadahadalada u dhexeeya iyaga iyo Paris Saint-Germain ay wali socdaan, si ay kaga soo ceshadaan xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Wefdi Blaugrana oo ka kooban Javier Bordas, Oscar Grau, Eric Abidal iyo Andre Cury oo maanta gaaray magaalada Paris, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Barcelona.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa soo xigtay, wareysi uu ku bixiyay Agaasimaha kooxda Barcelona ee Javier Bordas garoonka diyaaradaha ee Barcelona, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Ma jiraan wax heshiis ah ee wali la gaaray, laakiin wadahadalada u dhexeeya labada dhinac ayaa wali sii socda”.

“Waxaan ku dhownahay inaan xalinno wadahadalada, si Neymar Jr uu dib ugu soo labto garoonka Camp Nou markale”.

Wararka ayaa waxay tilmaamamayaan in Barcelona ay u gudbisay dhigeeda PSG dalab gaarsiisan 170 milyan euro oo lagu bixin doono mudo laba sano gudahood si ay kaga soo ceshadaan xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close