Wakiilka Mesut Ozil oo xaqiijiyey haddii uu laacibku bisha Janaayo ka tagayo kooxdiisa Arsenal

(Londo) 27 Agoosto 2019. Wakiilka ciyaaryahan Mesut Ozil ayaa la soo warinayaa inuu soo jeediyey in laacibkan khadka dhexe uusan ka tagi doonin Arsenal mustaqbalka dhow.

Kaddib markii ay Gunners ku soo biireen Dani Ceballos iyo Nicolas Pepe, fursadaha Ozil ee ah inuu boos joogto ah ka helo safka hore ee kooxda ayaa umuuqda kuwo hoos u dhacay.

Waxaa jira warar soo baxayey oo sheegaya in xiddiga reer Jarmal uu doonayo inuu ka bedelo Wayne Rooney kooxda DC United marka kabtankii hore ee England uu u dhaqaaqo kooxda Derby County bisha Janaayo.

Yeelkeede, Shabakadda Turkish Football ayaa warinaysa in Wakiilka Ozil ee Dr Erkut Sogut uu meesha ka saaray suurto-galnimada uu 31-sano jirkaan uga tagi karo garoonka Emirates.

Kooxda Fenerbahce ayaa si rasmi ah u sheegtay inaysan la soo wareegi doonin Ozil, inkastoo la isla dhexmarayay wararka la xiriirinayay saxiixa kubadsameeyahan.

Ozil ayaa weli gacanta ku haysta heshiis labo sanadood ah oo kaga harsan qandaraaska uu ku joogo kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close