Kooxda Dekedda oo dalka dib ugu soo laabtay xilli laga soo dhaliyey 13 gool

(Muqdisho) 27 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa soo gaartay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo sanadkaan ka qeyb gashay tartanka Caf Champions League 2019 oo ka dhacayey dalka Masar.

Dekedda FC ayaa gabi ahaan ka soo hartay tartanka Caf Champions League 2019, iyadoo labadii kulan ee ay dheeshay laga soo dhaliyay tiro goolal ah oo wadar ahaan dhan 13 gool.

Kooxda ku guuleystay horyaalka dalkeenna Soomaaliya ee Somali Premier League saddex sanadood oo xiriir ee Dekedda ayaa waji gabax kula soo laabtay dalka maanta maadaama labo kulan laga soo dhaliyey 13 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close