Aaron Ramsey oo seegaya kulammada xulkiisa qaranka Wales uu ciyaarayo bisha September

(Turin) 27 Agoosto 2019. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Juventus, Aaron Ramsey ayaa maqnaanaya shaxda xulkiisa qaranka Wales ee ciyaari doona bisha soo aaddan ee September.

Aaron Ramsey ayaan wajihi doonin xulka Azerbaijan ama Belarus kaddib markii uu ku guuldarreystay inuu soo kabsado waqti ka horreeya labadaas kulan.

Xiddiga reer Wales ayaa kooxda Juventus kaga soo biiray Arsenal xagaagan, laakiin illaa iyo hadda waxa uu ciyaaray 20 daqiiqo kulankii ay ka horjeedeen Triestina.

Ramsey ma ciyaarin kulan dhammaystiran tan iyo bishii April kaddib dhaawac muruqa ah oo uu la dhibtoonayo, haatanna waxa ay u muuqataa inuu seegi doono kulanka horyaalka Serie A oo ay Sabtida la ciyaari doonaan Napoli.

28-sano jirkaan waa inuu ka nastaa ciyaaraha heerka caalami si uu taam ugu noqdo kulanka kooxdiisa Old Lady ay la ciyaari doonto Naadiga Fiorentina 14-ka bisha September.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close