“Messi ayaa aad uga muhimsan Horyaalka La Liga marka loo eego Neymar iyo Cristiano Ronaldo” –Javier Tebas

(Spain) 26 Agoosto 2019. Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa soo dhoweeyay dib u soo laabashada Neymar Jr markale ee horyaalka Spain.

Javier Tebas ayaa wareysi uu ku bixiyay dhawaantan wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

“Neymar waa mid ka mid ah seddexda ciyaartoy ee ugu fiican adduunka, soo laabashadiisuna waxay muhiim u noqon doontaa horyaalka La Liga, laakiin muhiim uma ahan tartanka”.

“Waxa ugu muhiimsan waa inaan ciyaarno 10 bilood sanadkii, iyo inay tartamaan 20 koox si ay ugu raaxeystaan taageerayaasha ku sugan Spain iyo adduunka oo dhan”.

Image result for Javier Tebas, Messi Cristiano and Neymar

“Neymar waxaa si weyn looga daawadaa dalal dhowr ah, laakiin isagu haatan ma ahan ciyaaryahan saameyn ku leh halkan, sidoo kale Cristiano Ronaldo”.

“Laakiin Lionel Messi ayaa ka muhimsan maxaa yeelay waa dhaxalka horyaalka La Liga”.

“Haddii kooxaha Isbaanishka ay xiiseynayaan saxiixa Neymar Jr, waxey awooda u leeyihiin inay la soo wareegaan, kama dhiiban doono ra’ayigeyga arrintan, maxaa yeelay waxaa jira isbadalo badan ee aanan aqoon”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close