Kooxda Manchester United oo heleysa war aad u xun ee ku saabsan Luke Shaw

(Manchester) 26 Agoosto 2019. Warbaahinta dalka England ayaa shaacisay galabnimadan Isniinta ah mudadda la filayo inuu garoomada ka maqnaan doono daafaca kooxda kubadda cagta Manchester United ee Luke Shaw.

Luke Shaw ayaa dhaawac dhanka muruqa ah soo gaaray qeybtii hore ee kulankii ugu dambeeyay Manchester United ay guuldarada 2-1 ah ka soo gaartay Crystal Palace, waxaana lagu badalay Ashley Young kaddib markii uu awoodi waayay inuu ciyaarta sii wato.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa sheegay in Luke Shaw uu dilaac ka galay qeybta gadaale ee muruqa isla markaana uu ka maqnaan doono garoomada iyo safka kooxda Manchester United muddo dhan seddex ilaa afar toddobaad.

Tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa la rajeenayaa in muddada uu garoomada ka maqnaanayo Luke Shaw uu ku sii tiirsanaan doono adeega Ashley Young.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close