Pogba oo jawaab qiiro leh ee qalbiga taabaneysa ka bixiyay Isir-faquuqii lagula kacay

(Manchester) 25 Agoosto 2019. Xiddiga khadka dhexe reer France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa ka jawaab celiyay falkii cusurinimada ahaa uu kala kulmay muddooyinkii lasoo dhaafay baraha bulshada.

Isir-faquuqii lagula kacay Paul Pogba ayaa wuxuu yimid kaddib rigooradii uu ka khasaariyay inta lagu gudi jiray ciyaartii horyaalka Premier League ee dhex maray kooxaha Man United iyo Wolverhampton.

Paul Pogba ayaa qoraal uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka, wuxuu soo raaciyay sawirrka isagoo xambaarsan wiilkiisa yar wuxuuna yiri:

“Awooweyaasheey iyo waalidkey waxay u soo dhibtoodeen si jiilkeena maanta ay xur u noqdaan”.

“Isir-faquuqa waa nooc ka mid ah jaahilnimada, waxay iga dhigeysaa mid xoog badan, sidoo kale waxay igu dhiirogalisaa inaan u dagaallamo jiilalka dambe”.

Kooxda Man United ayaa sidoo kale toddobaadkii hore bayaan ka soo saartay falka cunsurinnimo ee lagu kacay Pogba kulnakii Wolverhampton waxaana lagu yiri.

“Qof walba oo jooga Manchester United waxa uu ka yaqyaaqsaday falalka cunsurinnimada ah ee lagula kacay Paul Pogba, waxaana falkaas u cambaareyneynaa sida ugu xooggan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close