“Neymar wuxuu ka mid yahay saddexda xiddig ee adduunka ugu fiican” – Ramos

(Madrid) 25 Agoosto 2019. Kabtanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay wararka ku aadan in Neymar Jr uu ku biirayo midkood Los Blancos iyo Barcelona kahor inta uusan xirmin suuqan xagaaga ee 2019.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaca ka qaaday wareysi uu bixiyay kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Aniga ahaan, Neymar Jr waa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu fiican, waxaan u arkaa inuu yahay mid ka mid ah seddexda ee ugu fiican addunka”.

“Laakiin ka hadlida ciyaartoy aan joogin kooxda Real Madrid waxay ixtiraam daro u tahay ciyaartoy horay u joogtay halkan”.

“Magaalada Madrid, waxaad had iyo jeer loogaa hadlaa waxkasta, xili walba uu suuqa furan yahay, waxaa macquul ah inay qaar yimaadaan oo ay kuwa kale ka baxaan, waan ku faraxsanahay kooxdeena, laakiin aan aragno waxa dhac” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Sergio Ramos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close